Qiso jaceyl 3
Waxay noo maraysay,Wiilki oo yiri waanku fahmay lakiin fadlan saas ha sameynin fursad kale isii.
Gabadhi way iska dhaqaqday ayadoo u muuqata inay codsigiisa iska dhaga tirtay hase ahaate qofki markas wajigeeda fiiriya wuxu arki karay inay ilin badan ibdhaheeda ka daadanaysay .
5 malin kadib waxay ogaatay inaysan sii dulqaadan karin aad ayay daciif unoqotay waxay doonaysay inay mar uun wajigiisa aragto oo ay la kulanto .
taleefankedi ayay soo qabsatay numberkiisi ayay wacday wiilki ayaa ka qabtay oo yiri "hello"
gabadhii oo aan salan kale galin ayaa tiri "ma ogtahay habeenki aan beerta lagu nasto aan joognay waxaa ku dhahay kuma jecli lakiin taas beentay ayay ahayd aad ayaan ku jeclahay waana kuu xiisay in badan fadlan makula kulmi karaa runtii aad ayaan kuugu xiisay aniga.
wiilki oo aad moodo inay farxad haraysay ayaa yiri haa waa hubaal wan kulmi karna aniga xata adiga ayaan ka fakirayay 5tii malmood oo laso dhafay aad ayaan kugu xiisay waana ku jeclahay.
markas kadib gabadhi dareenkeda farxadeed ayaa uso labtay hadalkiisi ay taleefanka ka maqashay iyo qosolkiisi ayay farxad wayn ku heshay waayo aad iyo aya u jeclayd waxay diyaar u ahayd inay wax kasta uga tagto siay asaga nolosha ula qayb sato wax kasta asaga ayaa u ahaa .
wali taleefanka lama jarin gabadhi ayaa tiri wayahay aan ku kulano beer ku taala magaalada dhinaceeda kale halkaas aad ayay u qurux badantahay waxaana rabaa in habeenka caawa ah aan xasuusnaado noloshayda inta ka dhiman .
wiilki ayaa yiri gacaliso waa iga farxisaya waxaa tahay gabadha aduunka ugu quruxda badan anigana waligay kaama dheeranayo waxaan ku dhaartay in waligay inta aan noolahay kaa tagin qof adiga kaa fican ma helaayo aniga waanan ku jeclan doona inta noloshayda ka harsan .
gabadhi ayaa tiri waayahay gacaliye 30min guduhood waa jooga meesha aan ku balanay ee fadlan iiso dhaqso .
taleefin ayay gooyen gabadha aad ayay u faraxsaneed waayo waxay hubtay murugo badan kadin inay la kulmi doonto jacaylkeeda ayna si galgaceeyl leh laabta isku galin doonan.
Gaarigeeda ayay soo kaxaysatay iyado farxad weyn dareemaysa kadib si lama filaan ah waxay bilawday inay ilmeyso sababta ma aysan garaneynin lakin indhaheeda waxa kaso dadatay ilmo badan gaariga si xooga ayay uwaday mana aysan ka warqabin in xawarahas ay ku socoto maadama ay maskaxdeeda ku mashquulsaned farxada ay la kulmeyso marka ay gaarto goobta ay gacaliyaheeda kula balansantahay iyado ay sidaas tahay ayay hadana ku mashquushay inay ilinta kasocota indhaheeda iska tir tirso isla il biriqsigiiba waxa miyir ugu dambeysay jug culus oo dhacday
waxay soo naaxday ayado isbitaalka dhex jiifta nasiib wanaag dhaawac culus oo jab ah ma uusan soo garin ikasto uu jirkeeda dhawr meelod uu ka dilaacay gabdhii ayaa tiri maxa dhacay .
Kalkalisada isbitalka oo markas gacanta ku haysay aya ugu jawaabtay shil ayaa gashay .
Gabadhi ayaa tiri"haye dadki gaariga kale la socday soo ma badbaadin "
kal kaalisadi ayaa tiri"Mya qofki gaariga kale waday wuu ku dhintay shilka ka hor intan isbitaalka la keenin "
Gabdhii ayaa tiri wayahay qof ayan raba inan waco fadlan ma wacan kara qofkas .
Kalkalisadi ayaa ugu jawabtay maya waxa ubahantahay inaa nasato ee is daji fadlan dhiig badan ayaa ka baxay .
Gabadhi ayaa tiri maya wax dhib ah ma qabo aniga idhaaf qof ayaan la hadlaya hal daqiiqo oo kaliya .
Kalkalisadi ayaa tiri maya maya joog sariirtada ee naso, intaas kadib haweenaydi kalkalisada ahayd ayaa bananka uga soo baxday qolki waxayna bilawday inay ooyso waliba aad ayay u oynaysay dhaqtarki wayna ayaa arkay kalkalisadi oo oohin meel la fadhida .
Dhaqtarki ayaa ku yiri "maxa dhacay oo aad la oynaysa "
Kalkalisadi ayaa tiri"Gabdhan wiilki gacaliyaheeda ahaa ayaa waday gaariga kale ee ku dhacay wuuna dhintay intan isbitalka aan uso wadnay hada asagi ayay leedahay waa wacaya arinta dhacday ayadu ma oga mana aqaano si aan ugu sheego "
Kalkalisada waxay ogaatay arintan oo dhan waayo waxay goobta tagtay inta uusan wiilka dhimanin wayna la hadashay sababto ah asagu ma uusan miyir beelin wuuna gartay gaariga ku dhacay inu yahay kii ay gacalisadiisa wadatay, wuxu kalkalisada u sheegay ina ay beerta ay ku balansanayen uu kaso gudbay si uu ugu soo iibiyo ubax uu hadyad uga dhigo saxiibadiisa uu jecelyahy ee ay isku soo labteen kadibna uu uga hormaro beerta .
Nasiib daro asaga qudhiisa si xawli ah ayuu gariga uwaday taxadarna ma uusan muujineynin .
Dadka qaar waxay dhahaan waxa kaliya ee dad is jecel kala dhex gali kara waa dhimashada
Qaarna waxayba dhahan wax kala dhex gali karaba maba jiran.
Hadaba aan is waydiino keeba qaldan labadooda
ma waxa qaldan wiilka oo marki ugu horeysay gabadha ka tagay mise waxa qaldaneed gabdha oo markii uu cafiska waydiistay jaceelkeeda iyo waxa qalbigeeda ku jiray been ka sheegtay .
Leave a Comment