Qiso wiil qurxoon iyo gabar xishood badan....1

 Qisada jacayl waxay ku bilabmaysa .

Gabar ayaa waxay la socotay gabdho ay saxiibo yihiin waxayna marayeen meel kamida centerka magalada .



si lama filan ah ayay waxay ku aragtay wiil tagan meel jardiin ah oo dhalinyaradu iskugu timaato

wiilki ayaa indhaheeda soo jiitay oo aad ay u fiirisay ilaa ay ilawday inay magalada dhex maraysay 

way iska sii socotay ayado jeclanaysa inay wiilka lamberkiisa ay soo qorato ayay is celisays oo xishood dumarnimo ayay la amustay.

guriga ayay tagtay wali waxay ka fakiraysa wiilki quruxda badna oo indhaheeda soo jiitay magaladana kaligiis kaga iftiimayay.

maalmuhu way socdeen waqtiguna wuu ku dheeraday waxayna rajeenaysay malin uun inay kulmi doonan 


Siday sidaas u ahayd malin ayay adeeg doontay waxayna tagtay suuq yare xafadooda udhawada 

waqtigu waa aroor hore dadka suuqa jooga ma badna cimiladu wa cayryaamo ama jawi cirku uu roob kuso jiro .

waxay si kadis ah u kulmeen wiilki ay aragtidiisa u oonayd qalbigeedana taalada ka samaystay 

farxad ayay is garan wayday waxay ilawday inanay aqoon wiilka ,durba waa ay ka hortagtay waxayna eegtay wajigiisa ayadoon wax hadal ah .

wiilki " walalo maku dhaafi kara "

gabadhi "yah haa abawe"

kulan koodi labaad ayaa kuso dhamaday aragti ay gabdhu dareenkeedi  sheegan wayday.


 SHEEKADAN AYAN SADEX QAYB U KALA JABIN DOONA SIAAD NOOLA SOCOTID 

BOTTONKA ALLOWDA KU QORANTAHAY ALLOW DHEH

No comments

Powered by Blogger.